AKHRI: Madaxweynaha Somaliland Oo Sheegay In Saaridda Khayraadka Dabiiciga Ahi Horseedi Karto Horumar Dhaqaale

HomeSomali News

AKHRI: Madaxweynaha Somaliland Oo Sheegay In Saaridda Khayraadka Dabiiciga Ahi Horseedi Karto Horumar Dhaqaale

Muqdisho: Ismiidaamiye Isku Soo xidhay Walxaha Qarxa Oo La Qabtay
Madaxweynaha Jabuuti Oo Sheegay Inuu DP World Diyaar Ula Yahay Magdhow
Madaxweyne Farmaajo Oo Hambalyeeyey Doorashada Madaxweynaha Cusub Ee Galmudug
Somaliland: Shirkii Golaha Wasiirrada Oo Ka Wada-hadlay Dedaallada ka Hor-tagga Covid_19
Lacagta ku Baxda Hagoogta Garsooreyaasha Zimbabwe, oo Cadho Abuurtay.

Hargeysa(HCTV) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay Saddex Qoddob oo dalku  ku gaadhi karto Hodantinimo dhaqaale.

Sidaasna waxa lagu sheegay warbixin  uu daabacay Maanta Warsidaha East African Business Week, oo ka soo baxa dalka Uganda, oo ku saabsaneyd shirkii maalgashiga kaabeyaasha dhaqaalaha iyo tamarta ee dawladda Somaliland khamiistii shalay ku qabatay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Warsiduhu wuxuu soo xigtay war-murtiyeed uu soo saaray Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi oo ku caddeeyey in kaabeyaasha dhaqaalaha, Tamarta iyo soo saarista khayraadka dalku ay  fure u noqon karaan horumar dhaqaale oo ay  gaadho Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu iftiimiyey  inuu ku rejo weyn yahay in soo saarista khayraadka dabiiciga ah ee JSL ay yareyn karto saboolnimada isla-markaana u horseedi karaan shacabka Somaliland  inay gaadhaan barwaaqo dhinaca  dhaqaalaha ah.

Md. Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland, wuxuu war-murtiyeedkaas ku xaqiijiyey in madasha maalgashigu ay qayb ka tahay dedaalka ay Somaliland ugu jirto inay u hesho taageero dibadeed soo saarista khayraadka dalka.

Wargeysku wuxuu intaas ku daray in madaxdii lagu soo martiqaaday shirkii maalgashiga uu ka mid ahaa Wasiirka Macdanta iyo Baatroolka Kenya Mr. John Munyes oo ku guubaabiyey ganacsatada dalkiisa inay ka faa’iidaystaan fursadaha maalgashi ee ay soo bandhigeen madaxda  Somaliland.

Wargeyska East African Business Week oo aad wax uga qora Somaliland, ayaa sheegay in shirkii maalgashiga ay faahfaahin ka bixiyeen Wasiirrada Wasaaradaha Horumarinta Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda Dr. Sacad  Cali Shire iyo Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon).

Waxa kale oo shirkaasi goob joog ka ahaa David Stanton oo ah Agaasimaha Guud Ganacsiga bariga Afrika iyo Wakiilka Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB), sida ay Qortay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA oo HCTV uu Warkan ka soo xigtay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

COMMENTS