Somaliland: Maxkamadda Sare Oo Siidaysay Sheekh Aadan-Sunne Iyo Dhallinyaro Xidhnaa Illaa 2017-kii

Somaliland: Maxkamadda Sare Oo Siidaysay Sheekh Aadan-Sunne Iyo Dhallinyaro Xidhnaa Illaa 2017-kii

600.000 Kun Oo Reer Yurub Ah Oo Doonaya Inay Ku Sii Noolaadaan UK
Somalia: Tirada Dadka Barakacay Sanadkan 2019-ka Oo La Soo Saaray
Maqaal: 21 October: Maalintii Soomaaliya Laga Dhagax-Dhigay Kacaankii Keli-Talisnimada Iyo Gawraca Dadka
BURCO: Huteellada Miyuusiga Laga Garaaco Oo Loo Digay (Akhri)
Yurub Oo La Hirdamaysa Dab Xoogle Iyo Mawjado Kulayl Ah

Hargeysa (HCTV) – Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa siidaysay Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Sheekh Aadan-Sunne) oo ka mid ah Culimada Somaliland iyo dhallinyaro kale oo la xidhnaa.

Sheekh Aadan-Sunne oo Ciidammada Boolisku xidheen dabayaaqada Sannadkii 2017-kii, ayaa saaka la hor-geeyay Maxkamadda sare, taasi oo soo saartay Amar ah in la siidaayo Sheekha iyo dhallinyarada.

Go’aankan oo ay maxkamadda Sare gaadhay ayaa loogu ogolaaday Sheekha iyo Dhalinyaradaaasi in xorriyadooda loo soo celiyo, Halka laba kale oo la xidhnaa iyagana Kiiska laga khafiifiyay.

Sheekh ayaa dhawr jeeroo hore Xabsiga la dhigay, hase-yeeshee  Markan u danbaysay oo ay qabashadiisu ku beegnayd Dabayaaqadii sanadkii 2017Kii waxa uu ahaa wakhtigii ugu dheeraa ee xidhnaado.

Dhallinyarada iyagana xorriyadooda loo soo celiyey, ayaa xilligii la qabtay ee la xidhay waxa uu Boolisku sheegay inay goob ku taalla Koonfurta Hargeysa ay ku qaadanayeen Tababbar Ciidan.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

 

 

COMMENTS

%d bloggers like this: