Sarkaal Ka Tirsan Ururka Al-Shabaab Oo Xukun Lagu Riday

HomeSomali News

Sarkaal Ka Tirsan Ururka Al-Shabaab Oo Xukun Lagu Riday

Muxuu Ergayga Midowga Yurub Kala Noqday Socdaalkii Uu Ku Yimid Hargeysa ?
USA: Joe Biden Oo Loo Soo jeediyey Inuu Qunsuliyado ka Furo Hargeysa Iyo 6 Magaalo Oo Kale
Saddexda Xisbi Ee Somaliland Oo Ka Shiray Dardargelinta Hawlaha Doorashooyinka
Wariye Cawil Daahir Salaad iyo 4 kale oo ku Geeriyooday Qaraxyo Muqdisho ka dhacay.
Fatahaado Ka Dhacay Dalka Itoobiya Iyo Wararkii U Dambeeyay

Muqdisho, (HCTV) – Axmed Cali Abuukar oo ka mid ah Saraakiisha ururka hubaysan ee Al-shabaab oo lagu soo eedeeyay ka mid ahaanshiyaha Ururka Al-shabaab gaar ahaan inuu kooxda u qaabilsanaa kiraynta guryaha magaalada Muqdisho kuwooda xanuunsan iyo in uu uga wakiil ahaa xarumaha caafimaad ee magaalada Muqdisho  oo uu ku lahaa  wakaalad iyo kor joogtayn inta ay dib ugu noqonayaa ayaa maanta xukun lagu riday.

Axmed oo ay ciidamada amniga xogtiisa hayeen ayaa laga soo qabtay mid ka mid ah xarumaha caafimaad ee ku yaalla magaalada Muqdisho, waxaa xilligaas lala qabtay Bukaan  Al-shabaab ah  oo uu ku diiwaan geliyay inuu adeer u yahay.

Bishii October ayay soo qabteen ciidamada Amniga Somalia, waxaanay baadhis dheer ku soo wareejiyeen xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida 14-kii September, isla xilligaasi waxa uu garsoorayaasha xafiiska ka codsaday in la geeyo eedeysanaha  xabsiga dhexe  garsuge ahaan.

Baadhis dheer kadib ayay codsadeen xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida in la muddeeyo dhageysiga dacwadda 12-kii November, waxa ayna maxkamadda aqbashay 23-kii bishii tagtay.

Ugu horeynba  Maxkamadda ayaa u jeedisay eedda loo heysto Axmed Cali Abuukar ee ah ka mid ahaanshiyaha Alshabaab iyo in uu u qaabilsanaa Alshabaab xanaaneyta bukaannada Al-shabaab kuwooda dhaawca ah iyo kuwa qaba xanuunada kale, isagoo u kirayn jiray guryaha iyada oo la isticmaalayo magiciisa wakaaladeed.

Axmed Cali Aybakar ayaa ahaa  shaqsi ku iibiya agagaarka qubuuraha Barakaat agabka duugitaanka maydka loo isssticmaalo, waxa uu qiraalkiisa ku sheegay in saaxiibkiis ay ka wada shaqeyn jireen wadhatada  dharka xilli hore uu ku qanciyay ku biirista Alshabaab, Axmed guryo ayuu u kireeyay bukaanno ay u soo direen Alshabaab, waxa uu geeyay xaruma caafimaad oo ku kala yaal degmooyinka Hodan iyo Yaaqshiid, sida uu ka hor sheegay fadhiga maxkamadda.

Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda u sheegay in eedeysanaha cimrigiisa oo kaga faa’ideystay dhagridda dadka, waxaa uu Maxkamadda ka hor sheegay in dadka ay ku ixtiraami jireen da’da uu jiro oo la siman 60-ka.

Maxkamadda ayuu weydiistay in laga qariyo bulshada maadaama uu suurad xumeynayo dadka waayeelka ah ee bulshada nuuc walba ay ku ixtiraamaan da’dooda.

Qarreenka u doodayay eedeysanaha ayaa maxkamadda u sheegay in Axmed lagu cadaadiyay shaqada uu hayay, waxa uuna maxkamadda ka codsaday in loo naxariisto maadaama uu da’ yahay.

Garsoorayaasha oo ay ku qaadatay dhagesiga kiiskan saacado ayaa ugu  dambeyn go’aamiyay in lagu xukumo 10-sano oo xabsi ciidan ah, sida uu u sheegay warbaahinta Gaashaanle Sare Xassan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha  Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida.

COMMENTS