Dagaal Culus Oo Ka Dhacay Deegaanka Goofguduud Ee Gobolka Baay

HomeSomali News

Dagaal Culus Oo Ka Dhacay Deegaanka Goofguduud Ee Gobolka Baay

British Airways Oo Joojisay In Ka Badan 100 Duulimaad Markii Hanaanka Computer-radu Shaqayn Waayeen
Wasiirka Isgaadhsiinta Iyo Tknoolajiyada Somaliland Oo La Kulmay Ergeyga Midawga Yurub
Dawaldda Somalia Oo Sharuud Ku Xidhay Natiijada Doorashada Jubbaland
Suldaanka Guud ee Somaliland oo Hanbalyo u Diray Madaxda Deegaanka Soomaalida.
Afar Qof Oo Ku Dhintay Qarax Ismiidaamin Ah Oo Ka Dhacay Muqdisho

Muqdisho, (HCTV) – Faah faahinno dheeraad ah iyo sheegashooyin kala duwan ayaa ka soo baxeysa dagaal culus maanta ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Ururka Al-shabaab ku dhaxmaray dulleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab ayaa lagu waramayaa in weerar culus ku qaaday saldhigyo ciidamada militariga Dowladda Soomaaliya ku lahaayeen deegaanka Goofguduud ee dulleedka magaalada Baydhabo, iyaga oo sheegtay in weerarkaasi ay ku dileen 11 Askai oo ka tirsan militariga Soomaaliya.

Laakiin dhinaca kale saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in weerarkaa ay ku dileen 20 Ruux oo ka tirsan dagaalyahannadii weerarka soo qaaday.

Basle dhinaca kale ilo kala duwan oo madax-bannaan oo la hadlay warbaahinta kuna sugan deegaanka lagu dagaalamay ayaa sheegay in weerarkaa lagu dilay ilaa 8 Askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayeey wararku sheegayaan in xoogagga Al-shabaab muddo kooban la wareegeen saldhigyada lagu dagaalamay.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.

COMMENTS