Garoowe: Dhallinyaro Ka Soo Laabtay Aroos Miyi Ay U Gudeen Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday

Garoowe (HCTV) – Allaah ha u naxariistee waxa Shil baabuur ku geeriyooday Afar Dhallinyaro ah.

Dhallinyarada Geeriyooday oo saddex ka mid ahi ahaayeen Dumar ayaa uu gaadhi la dhacay Xalay Saqdii dhexe, ka dib markii ay ka soo laabteen Aroos ka dhacay deegaan Baadiye ah oo ka mid ah deegaannada hoos taga Magaalada Garoowe.

Dhallinyaradan Afarta ah ayaa Geeriyooday, ka dib markii uu la qalibmay Gaadhi nooca Raaxada ah oo ay wateen, waxaanu Shilku dhacay Abaaro labadii habeennimo oo Xalay.

Shilkan naxdinle ah ayaa waxa kale oo ku dhaawacmay Taliye ku xigeenkii qaybta booliiska ee gobolka Nugaal ee Puntlan, Cismaan Maxamuud Buraale, kaasoo hadda xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayo Cisbitaalka Garowe, sida uu Mareegta Hiiraan Online u xaqiijiyey Taliyaha Ciidammada Nabad-galyada Waddooyinka ee Gobolka Nugaal, Kornayl Ismaaciil Xirsi Shirwac (Qabaal).

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka