Maraykanka Oo Muwaadiniintiisa Ugu Baaqay Inay Ka Baxaan Ciraaq

Maraykanka Oo Muwaadiniintiisa Ugu Baaqay Inay Ka Baxaan Ciraaq

Haweenay Nebiga Aflagaadaysey Oo Kanada U Qaxday
Duulimaadyadii Tooska Ah Ee Muqdisho Iyo Nairobi Oo Maanta Dib U Bilaabmay
Guddida Doorashada Puntland Oo Dhamaantood Is-Casilay
Laba Wariye Oo Lagu Xidhay Magaalada Burco
Sawirro: Daruuro Ayax Ah Oo Ku Habsaday Yemen

Baqdaad, (HCTV) – Safaaradda Maraykanku ku leeyahay Baqdaad ee dalka Ciraaq ayaa ku booriday dhammaan muwaadiniinteeda inay sida ugu dhakhsaha badan uga baxaan dalka Ciraaq.

Talaabadan ayaa timid ka dib markii Maraykanku duqeyn dhinaca cirka ah uu ku dilay Madaxii ilaalada kacaanka Iran Qassem Soleimani iyo taliyihii malleeshiyaadka Ciraaq Abu Mahdi al-Muhandis.

Xiisadaha sii kordhaya ee ka jira Ciraaq iyo gobolkaasi awgeed waxa ay Safaaradda Maraykanka ay usoo jeedisay muwaadiniinta Maraykanka inay si degdeg uga baxaan dalka Ciraaq.

“Muwaadiniinta Maraykanka waa inay sida ugu dhaqsiyaha badan duulimaad uga baxaan Iraq, haddii ay suurto gali weydana waa inay maraan safar dhulka ah oo ay ku tagayaan wadamada kale ” ayaa lagu yidhi war kasoo baxay safaaarada Maraykanka ee baqdaad.

Iran ayaa wacad ku martay inay qaadidoonto tilaabooyin loogu aargudayo dilkii saraakiisheeda looga dilay gudaha Iraq, waxaana Maraykanku haatan galay feejigaan culus.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.

COMMENTS

%d bloggers like this: