Sadio Mane Oo Ku Guulaystay Ciyaaryahanka 2019-ka Ugu Wanaagsan Kubadda Cagta Afrika

Hurghada, (HCTV) – Ciyaaryahanka Sadio Mane ayaa loo magacaabay inuu yahay ciyaaryahanka sanadka 2019-ka ee kubadda Cagta ee Afrika, kadib markii ay ku guulaystay Champions League kooxdiisa Liverpool iyo inuu ku hogaamiyo Senegal finalka Koobka Qaramada Afrika.

Mane ayaa ku guuleystay abaalmarintan markii ugu horeysay salaasada, ka dib markii uu ka guulaystay tartamihii ay isku kooxda ahaayeen ee Liverpool Mohamed Salah oo reer Masar ah sannadihii 2017 iyo 2018.

Musharaxii seddexaad, Riyad Mahrez oo u dhashay Algeria iyo Manchester City, ayaa ku guuleystay abaalmarinta sanadkii 2016.

Mane ayaa ah ciyaaryahankii labaad ee Senegal ka soo jeeda ee ku guuleysta abaalmarintan kadib El Hadji Diouf, oo isagu ku guuleystay 2001 iyo 2002.

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimey ayaa ka dhacday magaalada Hurghada ee dalka Masar.

Labada Salah iyo Mane waxay ahaayeen qaybo muhiim u ahaa Liverpool, iyagoo ka caawiyay Reds inay ku guuleysato UEFA Champions League 2019.

Xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, Mane wuxuu dhaliyay 34 gool wuxuuna sameeyay 12 caawin 11 kulan uu saftay. Salah ayaa dhaliyay 26 gool wuxuuna dhaliyay 10 caawin 55 kulan oo uu saftay.

Dhanka kale, Mahrez ayaa dheereystay 14 gool 18 kalena caawiye ayuu ka ahaa 48 kulan oo uu u saftay sanadkii hore.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.