Soomaaliya (HCTV) – Hawl-galka Ciidammada Maraykanka ee Afrika ee loo yaqaano AFRICOM ayaa sheegay inay duqayn ku dileen xubno ka mid ah Al-shabaab.
Taliska ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka oo kaashanaya ciidamada dowladda Soomaaliya ay 27-kii bishan oo shalay ahayd y duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen agagaarka degmada Jilib oo ka tirsan gobolka Jubbada dhexe, isla-markaana ay la beegsadeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Weerarkaas duqeynta ah ayaa Mareykanka waxaa uu sheegay inay ku dileen xubin ka tirsanaa Al-Shabaab oo tiradooda aan la shaacin, isla-markaana ayna wax khasaare ah kasoo gaadhin dadka rayid ah.
Sidaana waxa sheegay ku-xigeenka Agaasimaha howlgal;ada, Taliska Mareykanka ee Afrika Gen. Bradford Gering.
Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka ah.
Horn Cable Tv
Waaxda ONLINE-ka