Soomaaliya: Hay’adda NISA Oo Sheegtay Inay Burbyurisay Shabakad Al-shabaab Ah

Muqdisho (HCTV) – Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay burburisay shabakad ay sheegtay inay kooxda Al-shabaab u qaabilsaneyd Qaraxyada.

War Qoraal ah oo ka soo baxay hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in howlgal ay sameeyeen ciidamada ku burburiyeen kooxo isku xidhan oo u qaabilsanaa Qaraxyada iyo Farsameyntooda.

Sidoo kale, Qoraalka ka soo baxay NISA laguma sheegin goobta iyo halka kooxahan laga soo qabtay, laakiin waxaa bogga ay Twitterka ku leeyihiin ka soo muuqday oo kaliya sawirrada hub ka koobnaa walxaha qarxa. 

Hay’adda NISA ma sheegin tirada dadka ay howlgalkan ku qabteen, laakiin warka soo baxay Hay’addan ayaa ku soo beegmaya Maanta oo Madaafiic lagu wareeray Kamaradaha Amniga ee ku rakiban Agagagaarka Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka