Obama Oo Ku Taliyey In Faraxalka Lagu Dadaalo Oo Marada Afka/Sanka Lagu Xidho La Iska Daayo

Washington, (HCTV) – Madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama ayaa ugu baaqay dadka inay raacaan tilmaamaha Gacmo-maydhida ama faraxalka, balse aanay xidhan marada afka iyo sanka lagu xidho ee Maskaraha loo yaqaano si looga hortago caabuqa coronavirus.

Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Barak Obama ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu soo dhigay Twitter-kiisa, waxaanu intaasi raajiyey dadku waa inay raacaan timaamaha xarumaha ka hortaga iyo yaraynta cuduradu ay bixinayaan ee ay ka midka yihiin guriga joog hadii aad dareento inaad xanuunsanayso.

Mr Obama ayaan tan iyo markii uu ka dagay xafiiska Madaxweynenimada dalka Maraykanka 2017-kii aan lagu arag inuu dadka la hadlo, waxaanu sheegay in Marada AFka iyo sanka lagu xidho loo daayo oo kaliya shaqaalaha Caafimaadka.

Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa sheegay in Marada Afka lagu xidho ee maaskaraha, iyo qalab kale oo ilaalin ah ay adeegsadaan shaqaalaha caafimaadku maadaama oo ay yartihiin, isla markaana ay korodhay dalabkeedu.

Tirada dadka ugu geeriyooday Maraykanka Viruska Corona ayaa gaadhay 11 Arbacadii, iyadoo xiligan sharci dajiyayaasha aqalka Koongareeska Maraykanku ay gaadheen heshiis ah in la bixiyo lacag ka badan $8 bilyan oo dollar si loogula dagaalamo cudurkan.

Guud ahaan dalka Maraykanka ayaa cudurkan waxa laga helay dad gaadhaya 130 qof, waxaana Viruska lagu arkay in ka badan dhowr iyo toban gobol.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.