Deg-deg: Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Ku Dhawaaqday Go’aan Culus

Deg-deg: Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Ku Dhawaaqday Go’aan Culus

Maxkamada Sare Ee Puntland Oo Mudaysay Dhagaysiga Kiiska Caasha Ilyaas
Turkiga Oo Istanbul Ka Raafay Qoxooti Iyo Muhaajiriin Ka Badan 6,000
Haweenay Canada Ka Codsatay In Laba Hablood Oo Somaliland Ku Xidhan Loo Soo Daayo
God Madaw oo Lagu Arkay Hawada Sare.
Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Qayb-galay Sannad-guurada 27-aad Ee Aas-aaska Ciidanka Booliska

Hargeysa (HCTV) – Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay Tallaabo ka qaadayso Cidda la arko iyagoo ku qayilaya Marfashyada ku yaalla Magaalooyinka dalka.

Xukuumadda ayaa sheegtay in laga bilaabo Maalinta Berri ah Magaalooyinka lagu soo daadin doono Ciidammo, si ay Tallaabo uga qaadaan Dadka Qaadka cuna ee sida koox-kooxda Marfashyada ugu qayila.

Sidaana waxa Maanta sheegay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland, Md. Maxamed Kaahin Axmed oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah ka hor-tagga Caabuqa Dunida faraha baas ku haya ee Coronavirus, kaasi oo ka dillaacay dalalka Itoobiya, Soomaaliya iyo Jabuuti oo xuduud la leh Somaliland.

Horn Cable Tv kala soco Warkan oo faahfaahsan.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

 

COMMENTS

%d bloggers like this: