Xubnihii UCID & Waddani U Magacaabeen Komiisanka Cusub Oo Waayey Codadkii Loo Baahnaa

Xubnihii UCID & Waddani U Magacaabeen Komiisanka Cusub Oo Waayey Codadkii Loo Baahnaa

Guddoomiyaha UCID Oo Sameeyay Xil Ka Qaadis Guud
Ethiopia Oo Aas Qaran U Samaynaysa Madaxweyne Hore
Xayawaan Dhintay Wakhti Hore oo Dhiig iyo Kaadi Laga Helay + SAWIRO
USA: Joe Biden Oo Loo Soo jeediyey Inuu Qunsuliyado ka Furo Hargeysa Iyo 6 Magaalo Oo Kale
Raysal-wasaaraha Itoobiya Oo La Kulmay Wakiilka Dhiggiisa Japan

Hargeysa (HCTV) – Golaha Wakiillada Somaliland ayaa diiday inay ansixiyaan Labada xubnood ee Xisbiga WADDANI iyo UCID u soo Magacaabeen inay uga mid noqdaan komiishanka doorashooyinka Qaranka.

Fadhi ay Maanta yeesheen Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland isla-markaana ay Goob-joog ka ahaayeen Xubnaha Xisbiyadu ay u soo Magacaabeen Komiishanka, ayaa Xildhibaannadu mid mid ugu gacan taageen, laakiin midna ma helin Tirada Codadkii uu ku ansixi lahaa.

Cabdifataax Ibraahim Xasan oo Xisbiga UCID ku matali lahaa Komiishanka ayaa waxa u codeeyay oo ogolaaday 29 Xildhibaan, waxa diiday 8 Xildhibaan, waxaana ka aamusay 14 Xildhibaan.

Sidoo kale, Cabdikariin Maxamuud Siciid (Dalmar) oo ah Xubinta uu Xisbiga WADDANI u soo Magacaabay Komiishanka waxa u codeeyay isla-markaana ogolaadya 31 Xildhibaan, waxaana ka aamusay 14 Xildhibaan, waxaana diiday 6 Xildhibaan.

Sidaas ayay labada Xubnood kaga hadheen komiishanka cusub ee doorashooyinka Qaranka Somaliland, maaddaama oo mid walba laga rabay inuu helo 41 Cod.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

COMMENTS

%d bloggers like this: