Qaar Ka Mid Ah Shacabka Hargeysa Oo Aragtiyo Kala Duwan Ka Bixiyey Coronavirus

Hargeysa, (HCTV) – Qaar ka mid ah shacabka Shacabka Hargeysa ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyey sida ay u arkaan xanuunka Coronavirus ee Caalamka ku fidaya.

Ugu Horayn Maxamed Axmed oo aragtidiisa ka dhiibtay sida uu u arko xanuunka iyo waxa uu ka aaminsan yahay ayaa waxa uu yidhi “Waxaan ka aaminsanahay inuu gaalada ku dhacayao, oo aanu islaamka illaahay kuba ridaynin oo uu yahay fayras loo soo diray gaaladda, oo uu yahay kii albaabada u laabay xumaanta fusuqa, hotelada baararka khamriga, xumaan oo dhan,” Mar aanu waydiinay sida uu u arko maadaam oo aanu joojin goobaha la iskug yimaado oo uu wali sidiii caadiga ahayd ku dhaqmayo ayaa waxa uu yidhi “Maan joojn joojina mayno, waxaan aaminsahahyay in xanuunkani uu yahay hadii laguu qadaray mid aan ku seegayn, hadii aan laguu qadarina aanu kugu dhacayni, afkana duuban mayno, afka xidhan mayno salaantana dayn mayno, sababtoo ah salaanta gacantuna waa naxariis,” sidaa waxa yidhi Maxamed Axmed oo ka mid ah dadka dadka degan magaalada Hargeysa.

Sidoo kale Cabdi Faarax oo isaguna degan Hargeysa ayaa waxa uu yidhi “Anigau waxaan u arkaa Corona virus inuu yahay, inuu yahay mid aan kala lahayn cid a uu ku dhacayaa gaal iyo muslim toona oo uu si isku mid ah ugu dhacayo, wax kasta oo adduunyadu ay mooday in lagu xakamayn karo waxaan taageersanahay talooyinka laga bixinayo ee ay soo jeedinayaan dawladaha iyo khubarooyinka caimfaadka ee caalamka,” ayuu yidhi Cabdi Faarax, waxaanu intaasi ku daray mar aanu waydiinay sababta uu u joojin waayey goobaha la isugu yimaado oo uu yidhi “Boqolkiiba sagaashan waan joojjiyey oo yareeyey goobaha la isugu yimaado, marka laga reebo goobaha Cibaadada ee Masaajidka.” ayuu yidhi  Cabdi Faarax.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.