IGAD Oo Soomaaliya Ku Wareejisay Lacag Lagula Dagaalamayo Covid_19

Muqdisho (HCTV) – Urur Gobolleedka IGAD ayaa Dawladda Federaalka Soomaaliya ku wareejiyey Lacag Ururku ugu talo-galay in lagula dagaalamo Xanuunka Dunida Faraha baas ku haya ee COVID_19.

Lacagta oo qayb ka ah Lacag laga soo ururiyey Shaqaalaha Urur-gobolleedka IGAD ayaa waxa Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Dawladda Federaalka wareejiyey Sarkaal ka mid ah Hawl-wadeennada IGAD ee Xafiiska Muqdisho, kaasi oo Magaciisu yahay Jamaal Axmed, waxaana kala wareegay  Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji.

IGAD waxa ay ka soo ururisay 700,000 doollar oo tabarucaad maaliyadeed ah 430 shaqaale oo uga howlgala dhammaan rugaheeda shaqo ee guud ahaan gobolka, si loogula dagaalamo Coronavirus.

Lacagtan ayaa si siman loogu qaybiyey Dawladaha Xubnaha ka ah Urur-gobolleedka IGAD.

Ugu dambayn, Dawladda Soomaaliya ayaa bishii hore ku dhawaaqday in dalkeeda lagu arkay Dad qaba Coronavirus, kuwaasi oo hadda tiradoodu gaadhay illaa 7.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka