Kenya Oo Ogolaatay In Nairobi La Keeno Bukaanka Coronavirus Ee Koonfurta Sudan

Nairobi, (HCTV) – Dawladda dalka Kenya ayaa ogolaatay in magaalada Nairobi loo soo daadgureeyo shaqaale ka mid ah Qaramada Midoobay oo la ogaaday inay qabaan cudurka Coronavirus oo ku sugan caasimada Juba ee Koonfurta Sudan.

Haweenay 53 jir ah, oo iyadu is-karantiimaysay tan iyo markii ay ka soo safartay Nairobi bishii March

23, ayaa la ogaaday inay qabato coronavirus maalintii Isniintii, sida ay sheegtay dawlada Sudan.

Dawladda Kenya oo wararkii u dambeeyey ee dadka laga helay cudurka coronavirus ay sheegayaan inay gaadhay 189 qof ayaa iyadu xayirtay dhamaanba duulimaadyada caalamiga ah waxaanay cunaqabatayn saartay shaqaalaha qaramada midoobay ee soo galaya dalkeeda.

Dhinaca kale kumanaan Kenyan ah oo ay saamayn ku yeelatay xayiraadaha dawladdu soo rogtay ayaa isku jiidh iyo boob uu ka dhashay raashin mucaawino ah oo la siinayey, waxaana ciidamada Booliska oo rasaasta dadka ka ilmaysiisa u adeegsaday ay keentay in dadku ay halkaasi ku siidhaan oo tiro dhaawac ahi ay ka dhashaan.

Sidoo kale dawladda dalka Kenya ayaa cabasho xoog leh ka muujisay muuqaalo la baahiyey oo muujinaya dhalinyaro Afrikan ah oo Kenyan ay ku jiraan oo laga soo cadhiyey guriyihii ay ku jireen dalka Shiinaha kuwaas oo wadooyinka u hoyda markii uu ka dilaacay coronavirus magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.