Tirada Coronavirus Ee Soomaaliya Oo Korodhay Kadib Markii La Helay 29 Kiis Oo Cusub

HomeSomali News

Tirada Coronavirus Ee Soomaaliya Oo Korodhay Kadib Markii La Helay 29 Kiis Oo Cusub

Dagaalka Azerbaijan Iyo Armenia Oo Galay Maalintii Afraad & Dhimashada Ciidammada Oo Gaadhay 2,300
Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug Ayaa Mooshin Ka Keenay Gudoomiyaha Baaralaamka
Qiimaha Diyaaradii Iran Soo Riday Oo La Shaaciyey
FAO: Coronavirus Oo Carqaladeeyey Dagaalkii Ayaxa Ee Dalalka Bariga Afrika
Fatahaado Ka Dhacay Dalka Itoobiya Iyo Wararkii U Dambeeyay

Muqdisho,  (HCTV) РWasaaradda Caafimaadka  Soomaaliya ayaa soo saartay warbixintii maalinlaha aheyd ee ku saabsaneyd xaaladda COVID-19 ee dalka Soomaaliya.

Maanta oo keliya ayaa waxey wasaaraddu sheegtay in laga helay 29 qof oo bukaanka Coronavirus ah, kadib baadhitaanno lagu sameeyay.

Dadka laga helay ayaa waxey kala yihiin 21 rag iyo 8 dumar ah sida ku cad diiwaanka wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, halka isu-geyn wadarta guud ay tahay dadka xanuunkan qaaday 164 ruux, sidoo kale warbixinta ayaa lagu sheegay in mid kamid ah bukaannadii xanuunkaan qaaday uu ka bogsaday.

Lama soo werin guud ahaan maanta cid xanuunkaasi ugu geeriyootay dalka Soomaaliya, balse horay waxaa ugu geeriyooday 7 ruux.

Soomaaliya waxey kamid tahay dalalka ku yaalla bariga Afrika ee uu saameeyay cudurka Coronavirus.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.

 

COMMENTS