Nicolas Berlanga Oo Beeniyey Warar Sheegayey Inuu Ka Qadiyey Somaliland Deeq Lacaga Oo La Siiyey Somalia

HomeSomali News

Nicolas Berlanga Oo Beeniyey Warar Sheegayey Inuu Ka Qadiyey Somaliland Deeq Lacaga Oo La Siiyey Somalia

Golaha Midawga Yurub Oo Waafaqay In Dib Loo Dhigo Ka Bixitaanka Britain Ee Midawga
Turkey: Ayeeyo 107 Jir Ah Oo Noqotay Haweenaydii 2aad Ee Ka Kacday Cudurka COVID-19
Shirka Iskaashiga Soomaaliya Oo Galinka Dambe Ee Maanta La Soo Gabagabeynayo
Madaxweynaha Somaliland Oo Soo Dhaweyn Ka Diiran Ka Faa’iiday Dhawaaqii Soomaaliya Ee Gini
Ujeedada Hawlgalka Ciidamo Ka Socda Uganda Oo Soo Gaadhay Somalia

Muqdisho, (HCTV) – Ergayga Midawga Yurub u qaabilsan Somalia, Nicolas Berlanga ayaa beeniyey warar ay qoreen qaar ka mid ah Warbaahinta Somaliland oo sheegaya in ‘27 Milyan oo Euro oo Midawga Yurub ugu deeqay Soomaalida in laga qadiyay Somaliland iyo Aamusnaanta Xukuumadda Madaxweyne Biixi’

Ambassador Berlanga, oo ka jawaabayey warkaasi, isla markaana qoraal soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitter-ka ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu ka hor imaado warkaasi, waxaanu yidhi “Waan ku faraxsanahay inaan ka hor imaado macluumaadka warkan. Dawladuhu horeba way u ogaayeen khadadka uu maro gargaarka Midawga Yurub ee tagaya Somaliland, oo ay ka mid yihiin Wacyigelinta/ ololaha wacyigelinta, qalabka hoos taga WHO, iyo suurtagalnimada Taageerada Miisaaniyadda.” Ayuu qoraalka uu soo dhigay Twitter-ka Nicolas Berlanga uu ku yidhi.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.

COMMENTS