Laascaanood: Weriye Xalay La Toogtay

Hargeysa HCTV) – Mid ka mid ah Weriyeyaasha ka hawl-gala Magaalada Laascaanood ayaa Xalay lagu toogtay Magaaladaasi.

Aadan Jaamac Oogle oo ka mid ah suxufiyinta Gobolka Sool ayaa laba xabbo kaga dhaceen Garabka Bidix iyo Gacanta.

Lama oga waxa sababay Toogashada Weriyaha, balse Ciidammada amniga Laascaanood ayaa qabtay Ninka Toogashada geystay.

Weriyaha oo la toogtay Xalay Makhribkii, ayaa waxa hadda lagu daweynayaa Cisbitaalka Gargaar ee Magaalada Laascaanood.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka