19 Badmaax Oo Ku Dhintay Gantaal Si Shil Ah Uga Soo Dhacay Markab Iran Leedahay

Jask, (HCTV) – Ugu yaraan 19 badmaax ayaa ku dhintay halka 15 kalena ay ku dhaawacmeen kadib markii gantaal Markab Iran ay leedahay ay ku soo gantay doon taageeraysay ciidamada Iran oo tababar ama carbis milatari ku qaadanayey gacanka Oman.

Gantaalkan ku soo dhacay doonta ayaa lagu sheegay inuu ahaa shil si khalad ah u dhacay maalintii Axadii meel u dhaw dekeda Jask oo 1,270 kilometres (790 miles) koonfur bari kaga beegan caasimada Tehran oo ku taala gacanka Oman, sida lagu sheegay war-saxaafadeed lagu daabacay website milatgarigu leeyihiin.

“Galabnimadii maalintii Axadii shalay, intii lagu gudo jiray carbis oo ay ku sugnaayeen tiro maraakiib ciidamada badda ah biyaha Jask iyo Chabahar ayaa doonta Konarak oo ah mid yar oo maraakiibta taageerta uu ku dhacay shildaasi.”