Wasiir Faratoon Oo Ka Jawaabay Hadal Ka Soo Yeedhay Dhiggiisa Soomaaliya

HomeSomali News

Wasiir Faratoon Oo Ka Jawaabay Hadal Ka Soo Yeedhay Dhiggiisa Soomaaliya

Somaliland: Xarun Xuquuqal Iisaan Oo Cambaaraysay Falal Saxaafadda Lid Ku Ah
Wakiilkii Hore Ee Qaramada Midoobay U Joogay Soomaaliya Oo Xil Loo Magacaabay
Gollaha Amaanka Qarramada Midoobay oo Somalia Ugu Baaqay Inay Sii Wado Wadahadalada Doorashada
Cabdiraxmaan Boore Oo $170,000 Ku Wareejiyey Guddida Ka Hortaga COVID-19 Iyo Xafiiska Kaydka Raashinka Ee Somaliland
Tirada Tahriibayaal Meydadkooda Laga Helay Xeebta Jabuuti

Laascaanood (HCTV) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuux Xiir (Faratoon) ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeedhay Dhiiggiisa Soomaaliya Axmed Ciise Cawed.

Wasiir Cawed ayaa shalay sheegay in DP World oo Maalgelin ka wadda Somaliland ay dhibaato ku hayso Soomaaliya, sida Faro-gelin, sidaasi darteed ay dalka ka saarayaan.

Laakiin, Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo u warramay BBC Somaali ayaa yidhi “Hadalkaa hadal khaldan baan u aragnaa, Aad baan ula yaabanahay wax dhowr sano ka hor sheekadoodu dhamaatay in Wasiirku ku soo celcelinayo oo uu illaa hadda hadal hayo, Somaliland, DP World iyo Itoobiya heshiisyada ay galeen ee ku saabsan Dekedda Berbera iyo Waddada isku xidha Berbera iyo Wajaale, si Madax-banaan ayay u galeen, Cid kale oo ay wadaysan lahaayeen oo awood ku lihi ma jirto, sidaas ay ku galeen ayuuna ku dhamaanayaa, Mashruuciina dhammaad buu ku dhaw yahay oo meel wanaagsan buu marayaa.”

Faratoon wuxuu sheegay in Wasiir Cawed iyo Madaxda ka sarraysa ee Soomaaliya aanay isku hadal ahayn “Waxa layaab leh in Madaxweynihii iyo Raysal-wasaarihii Wasiirkaasi ay dhinac kaga hadlayaan isku soo dhawaansho, Isfaham iyo Wada-hadallo, haddana waxay sheeganayaan Somaliland..”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

COMMENTS