Itoobiya: Jawaar Maxamed Oo Maxkamad la Soo Taagayo Maanta

Addis Ababa (HCTV) – Jawaar Maxamed oo ah siyaasi caan ah dalka Itoobiya ayaa maanta lagu wadaa in uu kasoo hor muuqdo maxkamad ku taalla dalkaas.

Jawaar ayaa dhawaan la xidhay, kaddib markii ay dhaceen rabshado daba socday dilka fannaan caan ah oo lagu magacaabi jiray Hachalu Hundessa, kaasi oo kooxo aan la garanayn ku dileen Magaalada Addis Ababa.

Jawaar Maxamed iyo Taageerayaashiisa ayaa lagu eedeeyay inay dhexda u galeen meydka fanaanka oo la waday in lagu aaso magaaladii uu kasoo jeeday ee Ambo iyaga oo isku dayay inay dib ugu celiyaan caasimadda.

Jawaar Maxamed iyo dad gaadhaya 5 kun Qof ayaa loo xidhay Rabshadaha ka dhashay dilka Fanaanka.

Jawaar ayaa ah Siyaasi soo caan baxay Kacdoonadii Oromada Itoobiya ee sababay inuu xukunka iska casilo Raysal-wasaarihii hore ee Itoobiya, isla-markaana uu xukunka qabto Raysal-wasaare Abiy Axmed.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka