Qarax Ka Dhacay Makhaayad Ku Taalla Degmada Xamar Jajab

Muqdisho, (HCTV) – Qof iskusoo xedhay wax-yaabaha qarxa ayaa isku qarxiyay maqaaxida Luul Yemeni oo ku taalla degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa ku dhow dekadda weyn ee magaalada muqdisho, waxaana ka cunteeya dad badan oo ka shaqeeya meelo kala duwan.

Wararka laga helayo maqaaxida Luul Yemeni ee uu qaraxu ka dhacay ayaa waxay sheegayaan inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, balse aan si rasmi ah hadda loo hubin inta uu la’egyahay.