Puntland Iyo Jubbaland Oo Qaadacay Natiijada Shirka Dhuusomareeb

Garoowe/Kismaayo, (HCTV) – Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa soo saaray war murtiyeed ay ku midaysan yihiin oo ay kagasoo horjedaan natiijada kasoo baxday shirkii magaalada Dhuusomareeb.

Labada maamul waxay sheegeen go’aanadii shirkaas kasoo baxay inay ku eg yihiin dhinacyadii shirka ka qeyb galay oo kala ah, dowladda federalka, Galmudug, Hirshabeelle iyo koonfur galbeed.

Waxay ku eedeeyeen dowladda federalka inay khalalaase siyaasadeed ka dhex abuurtay shirka saddexaad ee Dhuusomareeb, taasoo keentay in labada maamul ay kasoo qeyb gali waayaan, iyagoo sheegay in dowladda federalka aragtideeda gaar ah ka fashatay shirkaas.