Soomaaliya: Xukun Dil Ah Oo Lagu Riday Askari Kufsaday Gabadh 4 Jir Ah

Muqdisho (HCTV) – Maxkamadda derajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku riday Dable Maxamed Xuseen Cilmi oo loo haystay inuu kufsi uu u gaystay Gabadh yar oo Afar jir ah oo magaceedu yahay Fadxiya Cabdishakuur Bootaan.

Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa baadhitaan kadib waxay eedayn hor geeyeen Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, waxaana xukumanuhu qirtay dambiga uu galay, waxaanu Askarigu kufsiga geystay inuu Maxkamadda ka hor sheegay inuu qaadanayo Masuuliyadda dhibkii uu Gabadha yar u geystay.

dablaha la xukumay ayaa maxkamadda waxa kale oo uu ka hor sheegay inaanu garanayn Sababta ku kaliftay inuu kufsado gabadh yar oo Afar jir ah oo ay deris yihiin.

Muumin Xuseen Cabdillaahi oo ah ku-xigeenka Xeer ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay xukunka Maanta lagu riday askariga uu fariin u noqonayo in fal dambe oo kufsi ah aanu ku fikirin qof ka mid ah Ciidamada Qalabka Sida ama ah shacab.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Derajada Koowaad ee Ciidammada ayaa la tashi iyo fadhiya Maxkamadeed kadib ku riday xukun Dil ah Maanta.

Kufsigan foosha xun ayaa 14-kii May ee Sanadkan ka dhacay degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho.

Ninka la xukumay ayaa dalban kara Rafcaan, si Dacwaddiisa mar kale dib loo eego.

 

Horn Cable Tv

WAAXDA ONLINE-KA