Donald Trump Oo Qaadacay In Dood Online Ah Uu La Galo Joee Biden Cabsida COVID19 Awgeed

Washington, (HCTV) – Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa qaaddacay dood la doonayay in lagu qabto habka Online-ka (virtual debate) ah oo ay wada-yeelan lahaayeen Joe Biden oo ah musharaxa xisbiga Jamhuuriya ah.

Doodan virtual debate-ka ah oo si wada jir ah ay u martigalinayaan jaamacadaha University of Mary Washington iyo the University of Minnesota ayaa loogu talo galay inay dhacdo 15-ka, bishan October, 2020-ka.

Talaabadan ayaa timid ka dib markii Madaxweynaha dalka Maraykanku uu qaaday cudurka Coronavirus, waxaanu Madaxweyne Trump uu u sheegay Fox news business in aanay suura-gal aheyn inuu ka qeyb-qaato dood ku dhaceyso habka Online-ka.
“Malaha micna badan in aad la dooddo qof Computer kasoo hadlaya,  haddii ay rabaan way kaa xerayaan codka” ayuu Trump u sheegay Fox news.
Dhinaca kale,  madaxweyne Trump ayaa dooddii uu horay ula galay Biden,  waxaana aad loogu xusuustaa in uu dhowr jeer jawaabihii Joe uu dhowr jeer dhex-gal ku sameeyay.