Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Ka Qaybgalay Xuska Maalinta Caalamiga Ah Ee La’ Tacaalidda Iyo Yaraynta Khatarta Aafadda

Hargeysa, (HCTV) – Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta ka qeyb galay xuska Maalinta Caalamiga ah ee la tacaalidda iyo yaraynta Khatarta Aafadda oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda ka hortaga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranku.

Munaasibadan oo halku dhigeedu ahaa Maamul wanaaga, maaraynta Aafada ayaa waxaa kasoo qeybgalay xubno kamida Golaha Wasiirada Agaasimayaal guud iyo Taliyaha Ciidanka Damdamiska oo dhammaantoodba ku dheeraaday sida loogu baahan yahay in laga dhawrsoonaado Khataraha aafooyinka oo ay ka mid tahay xaalufinta Deegaanka.

Madaxweyne ku xigeenka oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa xusay in Hay’adda ka hortaga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranku ay qaranka ugu jirto kaalin muhiim ah, sidoo kalena waxa uu Madaxweyne ku xigeenku u mahadceliyey Hay’addaha Caalamiga ah ee la shaqeeya laamaha kala duwan ee Dawladda, waxaana uu sheegay in loo baahan yahay in xooga la saaro sidii looga diyaar garoobi lahaa khataraha Aafooyinka, kuwaas oo qaarkood keenaan daryeel la’aanta deegaanka iyo xaalufinta dhirta.

Wa-bilaahi Tawfiiq