Afhayeenka WADDANI Oo Shaaciyey Inuu Musharrax U yahay Doorashada Wakiillada

Hargeysa (HCTV) – Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Gar-yaqaan Barkhad Jaamac Xirsi (Batuun) ayaa shaaciyey inuu Musharrax u yahay Doorashada  Golaha Wakiillada ee dhawaan dalka ka dhacaysa.

Barkhad Jaamac Xirsi oo Maanta Qoraal ku baahiyey Barta uu ku leeyahay Facebook ayaa sheegay in la Tashi badan oo uu ka sameeyay ka dib, uu ku qancay inuu isku taago Doorashada Golaha Wakiillada Somaliland.

“Waxaan Maanta si rasmiya ugu dhawaaqayaa in aan isu sharaxi doono Doorashadda Goolaha Wakiiladda ee Jamhuuriyadda Somaliland. Kadib, markaan ku qancay tallo soo jeedin badan oo iga timid dadka jecel in Somaliland dhanka siyaasadda ka gaadho horumar iyo guulo waaweyn oo ay caalamka iyo mandaqadda Geeska ee ay kamid tahay kula tar-tanto door mihiim ahna dhallinyaradda aqoonta sharci leh sannadkan ku yeeshan doorashadda wakiiladda. kadib markii aan garwaaqsaday in qaranku u baahan yahay goole wakiileed oo leh xirfad sharci, awood ay kula xisaabtamaan Xukuumadda, aqoon ay ku sameeyeen xeerar badan oo qabyo qaranka ka ah uguna mihiimsan yihiin xeerarka 60 sanno jirtsaday ee dhex yaal Maxkamaddaheena lana jaan qaadi karin nolosha casriga ah kuwaas oo kaabis iyo wax ka bedel badan u baahan iyo in laga dhigo xeerar magacaga qaranka Somaliland ku qoran oo umaddani leedahay maadama oo kuwani yihiin kuwo dawladdii Somalia leedahay sidoo kalena la sameeyo xeerar badan oo dalkeenu u baahi qabo.” Ayuu qoraalkiisa ku yidhi, waxaanu intaa ku daray “Kadib markii aan ku qancay in loo baahan yahay cid bulshada baylahdeeda caafimaad, waddo, biyo, laydh, waxbarasho, horumar kula xisaabtanta hay’addaha xukuumadda u xilsaaran arrimahaas waxay shacabka wax ugu qaban waayeen? . Kadib markii ay i soo baxday in bulshadu ka daashay qabyaalad ay wax ku doorato una baahan tahay cid matalaadeeda iyo masiirkeeda qaada oo danaheeda dawladda u sheegta, ayaan gaadhay go’aanka ah in aan isku sharraxo xildhibaan baarlaam. Waxaan ku kalsoonahay in aad igu garabsiin doontaan, igu taageeri doontaan, codkiinana igu dooran doontaan si aan idiinku adeego oo aan shaqaale shicib idinku noqdo, balse aanan noqon mid shilimaadkiina urursada. hamigeygu waa sarreynta sharciga iyo ilaalinta sharafta shicibka.”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka