Puntland Oo Shir Degdeg Ah Ka Yeelatay Khasaaraha Ka Dhashay Duufaanta GATI Ee Ku Dhufatay Gobolkaasi

HomeSomali News

Puntland Oo Shir Degdeg Ah Ka Yeelatay Khasaaraha Ka Dhashay Duufaanta GATI Ee Ku Dhufatay Gobolkaasi

Wax Ka Ogow Habab La Sheegay In Al-shabaab Dhaqaalaha Ku Hesho
Guddida Qaban-qaabada Shirweynaha KULMIYE Oo Ka Jawaabo Eedo Ka Yimid Siyaasi Qabo
Safiirka Somaliland Ee Dalka Imaaratka Carabta Ayaa Xafiiskiisa Ku Qaabilay Gudoomiyaha Xisbiga UCID
Madaxweyne Biixi Oo Ku Dhawaaqay Dhaqaale Cusub Oo Loo Qoondeeyey La Dagaallanka Xanuunka Covid-19
“Ramaax Uma Xidhna Baashe, Ee Koox Heego La Yidhaahdo Ayuu U Xidhan Yahay..” Waddani

Garoowe, (HCTV) – Puntland ayaa shir degdeg ah ka yeelatay musiibada ka dhalatay duufaanta GATI oo ku dhufatay Gobolka Bari, iyadoo ay isisoo tarayaan khasaaraha kala duwan ee ka dhashay.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Karaash ayaa shir-guddoomiyay shirkaan oo la isugu yeeray dhammaan wasiiradda iyo hay’adda musiibooyinka, si looga tashado sidiii gurmad degdeg ah loogu fidin lahaa dadkii ay dhibaatadu soo gaartay.

Waxaa lagu wadaa inuu madaxweyne ku xigeenku magacaabo guddi wasiirro ah oo loo xilsaarayo sidii ay ugu kuurgali lahaayeen wax ka qabashada xaaladda biniaadanimo ee ka jirta degaanada ay waxyaaladu gaarsiiyeen duufaanta iyo roobka.

Maamulka Puntland wuxuu sheegay in 7 qof oo u dhashay dalka Yemen ay ku dhinteen duufaanta, kuwaas oo ahaa kalluumaysato Yemeniin ah badda ku jiray xilliga duufaanta.

Sidoo kale, magaalooyinka Xaafuun iyo Hurdiya oo katirsan gobolka Bari, ayay duufaantu u geysatay khasaare xoogan, iyadoo dumisay guryo iyo waddooyin muhiim ahaa.

COMMENTS