Roobab Xoog Leh Oo Ka Da’ay Deegaamada Xeebta Ee Gobolka Saaxil

Berbera, (HCTV) – Gobolka Saaxil ayaa waxa ka da’ay roobab xoog leh 16-kii saacadood ee la soo dhaafay, mana jirto ilaa iyo hadda wax khasaare ah oo laga soo sheegay roobabkaasi inay gaysteen.

Telefishanka HCTV oo la xidhiidhay masuuliyiinta deegaamo kala duwan oo ka tirsan gobolka Saaxil oo ay ka da’een roobabkan ay keentay duufaanta GATI, ayaan sheegin wax khasaare ah.

Hase yeeshee waxa jira laba guri oo qadiimi ahaa oo ku yaalay xaafadaha Barwaaqo iyo Daaroole ee magaalada Berbera oo roobabka ka da’ay magaaladu ay dumiyeen, sidoo kale waxa jiray daadad ka soo rogmaday roobabkaasi oo guryaha buux dhaafiyey.