Nuxurka War-Murtiyeed Ka Soo Baxay Shir Maalmihii Ugu Danbeeyay Muqdisho Uga Socday Musharixiinta Soomaaliya

Muqdisho, (HCTV) – Midowga musharixiinta doorashada Soomaaliya oo shantii maalmood ee la soo dhaafay ku shirayey magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa ugu danbeyntii soo saaray war-murtiyeed ka kooban 18 qodob.

Musharixiinta ayaa war-murtiyeedkoodan ku dalbaday in la kala diro gabi ahaan guddiyada dowladda Soomaaliya u saartay inay ka shaqeeyaan doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee badalaya Baarlamanka hadda jira.

Musharixiinta ayaa sidoo kale dalbaday in guddiga doorashada xildhbaannada Gobollada Waqooyi loo madax-bannaaneeyo inuu soo magacaabo guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaanshi Cabdullaahi iyo qodobo kale oo dhawr ah.

Waxaanu u qornaa War-Murtiyeedkaasi sidan: