Al-Shabaab Oo Sheegatay Masuuliyadda Qarax Xalay Ka Dhacay Muqdisho Oo Dhalinyaro Badani Ku Dhinteen

Muqdisho, (HCTV) – Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qarax ismiidaamin ah oo xalay lagu qaaday goob lagu caweeyo oo kutaala agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo ay ku dhinteen ku dhawaad 10 qof, ayaa ururka Al-shabaab sheegeen inay ku dileen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda iyo xubno isugu jira sirdoon iyo ilaalada gaarka ah ee qaar kamid ah mas’uuliyiinta dowladda.

Al-shabaab waxay sheegeen in qaraxaan uu ka dambeeyay dagaalame naftii horre ah oo isku qarxiyay maqaayad kutaala wadada isku xirta isgooyska Lambar Afar iyo Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Al-shabaab waxay sheegeen in ay weerarkaan kusoo beegeen xilli uu maalintii shalay Muqdisho soo gaaray wasiirka Gaashaandhigga Maraykanka Christopher Miller kaas oo saacado kooban ku sugnaa garoonka diyaaradaha.

Marka laga tago sheegashada Alshabaab, qarixii xalay, ayaa waxaa ku dhintay dhalinyaro badan oo aqoonyahanno ah oo aan dowladda ka tirsanayn.