Taliska Maraykanka Ee AFRICOM Oo Sheegay In Weerar Cirka Ah Uu Ku Dilay 8 Xubnood Oo Al-Shabaab Ka Tirsan

HomeSomali News

Taliska Maraykanka Ee AFRICOM Oo Sheegay In Weerar Cirka Ah Uu Ku Dilay 8 Xubnood Oo Al-Shabaab Ka Tirsan

SAWIRRO: Lamaane Uu Arooskooda Saamayn Ku Yeeshay Cabsida Coronavirus
Nasiye Stadium: Horn Cable TV Oo Rikoodhayaal Kaga Badiyey Kooxda Ilays Jet
Booqasho 3 Maalmood Ah Oo Trump Uga Bilaabantay London
Madaxweyne Biixi Oo Ka Jawaabay Talooyin WADDANI Fagaare Uga Jeediyey
Dagaal Ooge U Dhashay Congo Oo Dambiyo Dagaal Lagu Helay

Jilib, (HCTV) – Taliska Maraykanka ee Afrika ayaa sheegay inay fuliyeen laba duqeyn oo dhinaca cirka ah oo lagu bartilmaameesaday khubaro katirsan al-Shabaab oo qaraxyada u sameeya ururkaasi, waxayna duqayntu ka dhacday agagaarka Jilib.

War hordhac ah oo lagasoo saaray duqayntan, ayaa lagu sheegay in lagu dilay 8 xubnood oo door muhiim ah ka ciyaara soo saarida walxaha qarxa, oo ay ku jiraan qaraxyada lagu xidho gawaadhida xamuulka qaada.

Taliska Maraykanka ee AFRICOM waxa uu sheegay inay hubinayaan in dad rayid ahi wax ku noqdeen ama ku dhinteen duqeymahan shalay dhacay.

“Waxaan sii wadeynaa inaan garaacno kuwa doonaya inay waxyeeleeyaan anaga ama lamaanayaasheena,” ayuu yidhi, Maj. Gen. Dagvin Anderson, Taliyaha howlgalada Wadajirka ah ee AFRICOM.

“Taliska Africom iyo la-hawlgalayaashiisa caalamiga ah waxay aqoonsan yihiin muhiimadda xasilloonida Soomaaliya. In kasta oo nabadda iyo xasilloonidu u baahan yihiin maamul adag iyo in dadka Soomaaliyeed la siiyo barnaamijyo dhaqaale iyo fursado, haddana nabadgelyadu waa aasaaska mid kasta.,” ayaa lagu yidhi, bayaanka AFRICOM.

Taliyaha ciiddanka Africom, Stephen J.Townsend, ayaa sheegay duqayntan inay muujinayso  sida ay nooga go’an tahay ciribtirka halista iyo taageerida saaxiibadooda Soomaaliya.

COMMENTS