Itoobiya Oo Digniin U Dirtay Sudan Oo Ciidamo Soo Dhoobtay Xuduuda Xiisadu Ka Taagan Tahay

Addis Ababa, (HCTV) – Dawlada Ethiopia ayaa ku eedaysay dalka ay jaarka yihiin ee Sudan inay ciidamo soo dhoobtay xadka labada dal oo ay ka dhaceen isku-dhacyo dhimasho badan keenay todobaadyadii u dambeeyey, waxaanay ugu digtay in dulqaadkii dhinaca nabadu uu sii yaraanayo.

Labadan dal ayaa wadaaga 1,600km (994mile) oo dhul beereed xiisadi ka taagan tahay ah ee Al-Fashqa oo midba uu sheeganayo lahaashihiisa, waxaana ay xiisada soo jiitameysay muddo ka badan 10 sano.

Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya, Dina Mufti oo  warbaahinta u sheegay in dhinaca Sudan ay doonayaan in ay xaalada uga sii darraan ama sii huriyaan.

Afhayeenka Arrimaha dibada ee dalka  Itoobiya Dina Mufti ayaa u sheegay saxaafada subaxnimadii maanta in Sudan ay u muuqato colaad ka hurineysa xadka “Itoobiya dagaal ma bilaabeysaa waxaan leenahay aan ka shaqeyno diblomaasiyadda“Ilaa intee ayeey Itoobiya sii wadi doontaa xalinta qaddiyadda iyadoo adeegsanaysa diblomaasiyad Ma jiraan wax aan xad lahayn. Wax walba waxaa ay leeyihiin xad, ”ayuu u sheegay Afhayeenka mar uu warbaahinta kula hadlayay magaalada caasimada ah ee Addis Ababa.

Ugu danbeyntii Dina Mufti  ayaa intaa raaciyay in dhankooda rajeynayaan in wax walba lagu dhameeyo hab diblomaasiyadeed, balse rajada taa laga qabo ay tahay mid aad u yar madaama waqtigu uu isa sii gurayo.