Qaramada Midoobay Oo Sheegtay In Xadgudubyo Kufsi Ka Dhaceen Gobolka Tigrayga

New York, (HCTV) – Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay heshay warbixinno “walaac leh” oo ku saabsan xadgudubyo dhinaca galmada ah ama kufsi oo ka dhacay gobolka ay colaadda ka taagan tahay ee Tigrayga Itoobiya.

Qaramada Midoobay waxay intaa ku dartay inay jiraan shaqsiyaad lagu khasbay inay kufsadaan xubno ka tirsan qoyskooda.

Pramila Patten, wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan xadgudubka galmada ee dagaalada, ayaa sheegtay inay aad uga walaacsan tahay eedeymaha culus ee uga imanaya gobolka waqooyiga, oo ay kujirto “tiro badan oo kufsi la sheegay” oo ka dhacay caasimada Tigrayan, Mekelle. “Waxaa sidoo kale jira warbixino qasan oo ku saabsan shaqsiyaadka la sheegay in lagu qasbay inay kufsadaan xubno ka tirsan qoyskooda, iyadoo lagu hanjabayo rabshado soo fool leh,” ayuu Patten ku tidhi hadal uu soo saaray khamiistii.

“Haweenka qaarkood ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa in cunsurro ay ku qasbeen inay galmo sameeyaan iyagoo badeecooyin u baahan.” Patten waxay ugu baaqday dhamaan dhinacyada ku lugta leh dagaalada inay ku kacaan siyaasad dulqaad la’aan ah dambiyada rabshadaha galmada. Rayisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, oo ku guuleystay Abaalmarinta Nobel Peace Prize ee 2019, ayaa ku dhawaaqay hawlgallada militari ee ka socda Tigreega horraantii November, isaga oo sheegay in ay ku yimaadeen jawaab u ah weeraradii xisbiga maamulka gobolka uu ku qaaday xeryaha ciidamada federaalka. Abiy ayaa ku dhawaaqay guusha kadib markii ciidamada federaalku galeen xarunta gobolka dabayaaqadii bishii Nofeembar, in kasta oo hoggaamiyeyaasha ururka (TPLF) ay wali ku sii dhuumaaleysanayaan isla markaana ay ballan qaadeen in ay sii dagaallami doonaan.