Al-Shabaab Oo Hoobiyeyaal Ku Duqeeyey Xafiisyadii Qaramada Midoobay Iyo AMISOM ee Xerada Ciidamada Xalane

Muqdisho, (HCTV) – Ururka Al-shabaab ee ka dagaalama Somalia ayaa weerar loo adeegsaday Hoobiyeyaal la beegsaday xerada ciidamada eeXalane magaalada Muqdisho, taas oo fadhiisin u ah ciidamada AMISOM iyo wakiilada dowladdaha shisheeye.

Lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkan madaafiicda loo adeegsaday ee lagu tuuray xarunta Xalane oo dhinaca kale isku diyaarineysa marti-galinta shirka doorashooyinka ee dhawaan furmaya.

Ma’aha markii ugu horreysay oo madaafiic lagu weeraro saldhigga ciidamada AMISOM ee Xalane, Al-shabaab ayaa sheegtay mmasuuliyada weerarkan waxaanay sheegeen in ay lix hoobiye ku weerareen Xallane, balse ma sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarkas.
Weerarkaan ayaa kusoo beegmay xilli Xallane uu ka dhacayo shir dhexmaraya dowladda federalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada la fílayo inuu ka qabsoommo garoonka diyaaradaha Muqdisho.