Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Hadlay Abaar Saamaysay Dalka Iyo Xanuunka COVID19 3-dii Todobaad Kor U Kordhay

Hargeysa, (HCTV) –  Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta hadal ka jeediyey munaasibad ay qabatashay shir=kada Isgaadhsiinta ee SOMTEL, ayaa sheegay in dalka ay ka jirto abaar saamaysay dad ka badan 110,000 qof, kuwaas oo ay soo foodsaartay biyo iyo baad la’aani, una baahan in loo gurmado.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa kale oo uu ka hadlay noocyada uu la soo baxay xanuunka COVID19 oo uu sheegay in saddexdii todobaad ee la soo dhaafay uu si weyn kor ugu kacay, loona baahan yahay in la raaco talooyinka lagaga hortagi karo.

”Xanuunka COVID19, saddexdii todobaad ee u dambeeyey si xawli ah ayuu u kordhay, waxa la baadhay bishii March ee uu bilaabmmay ee sanadkii hore ilaa maanta 3,380 qof´ayaa la baadhay, 2,018 qof´ayaa laga helay cudurkaa, dadka ka bogsaday waxa ay noqonayaan boqolkiiba 86%, dadka u dhintay waa 85 qof,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.