Maamul Goboleedyada Puntland Iyo Jubbaland Oo Eedo U Jeediyey Dowladda Federalka Somalia

Muqdisho, (HCTV) – Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa goordhoweyd soo saaray war-saxaafadeed xasaasi ah oo ay kaga hadlayaan xaalada Somalia iyo kulamadii u dambeeyay ee lagaga arrinsanayey doorashada ee ka dhacay Muqdisho.

War-saxaafadeedkan ay sida wada-jirka u soo saareen ayaa waxay walaac xoogan kaga muujiyeen qabsoomida shirweyne lagaga arrinsanayo doorashada, iyagoo madaxda dowladda ee waqtigeeda dhamaaday ku eedeyay inay xaggal daacineyso qabsoomidda shir ka dhaca Muqdisho.

“Waftiga Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ee Puntland iyo Jubaland oo muddo gaareysa sadex asbuuc ku sugan Magaalada Mogadishu, ayagoo ka jawaabey dalabkii Beesha Caalamka ee ahaa in shir wadatashi ah laysugu yimaado, ayaa wali ka dhursugaya qabsoomidda shirka.”

“Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Puntland iyo Jubaland waxay walaac ka muujinayaan in Madaxda sare ee muddo xileedkeedu dhammaaday ee Dowladda Federaalka ah ay xaggal daacineyso qabsoomicida shirkii loo fadhiyey inuu ka dhaco Magaalada Mogadishu.”

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay inay fashil kusoo dhamaadeen kulamadii maalmihii u dambeeyay u socday shanta madaxweyne goboleed, kaasi oo loogu gogol xaaraye shirweynaha looga arrinsanayo doorashada.

“Waxaa jirey shir Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah u socday muddo 3 maalmood ah, kaas oo diiradda lagu saarey sidii farsamo ahaan shirku ku qabsoomi lahaa, haseyeeshee ma ay suurto gelin in guul laga gaadho habkii loo wajihi lahaa qabsoomidda shirka,” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Waxay nasiib darro ku tilmaameen in mas’uuliyiinta dowladda federaalka aysan wax is arag toos ah la yeelan intii ay ku sugnaayeen magaalada Muqdisho oo ku dhow bil, si looga arrinsado sidii uu ku qabsoomi lahaa shirweynaha muhiimka ahi.

Madaxda Puntland iyo Jubaland ayaa si adag uga digay inuu sii dheeraado waqtiga kulanka loo dhan yahay uu qabsoomayo, ayagoona sheegay in haddii uu sii dheeraado uu keeni karo in masiirka Dalka iyo mustaqbalka Ummadda Soomaaliyeed uu meel mugdi ah ku dhaco.

Qoraalkaan ayaa sidoo kale waxaa lagu sii xoojiyey qoddob ay hore iskugu fahmi waayeen labada dhinac, kaasi oo dhigayay in laga wada xaajoodo sharciyada iyo awoodaha hay’adaha muddo xileedkoodii dhamaaday ee dowladda federaalka.