Xisbiga UCID oo Ku Dhawaaqay Inuu Xubinimadii Xisbiga Uu Ka Qaaday Xildhibaan Cabdinaasir Qodax

Hargeysa, (HCTV) – Xisbiga UCID ayaa xubinimadii iyo xilkiiba ka qaaday Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax), oo ahaa xogeeye ku xigeenkii xisbiga UCID kadib markii isaga iyo xildhibaanu uu hogaaminaya isbahaysi la samaysten xisbiga Kulmiye.
Qodax ayaa xisbiga laga saaray kadib markii isaga iyo xildhibaano uu hogaaminayaa ka baxeen isbahaysigi mucaaradka iyagoo Kulmiye kula heshiiyay isbahaysi siyaasadeed.
Afhayeen u hadlay xisbiga UCID, ayaa si rasmi ah u caddeeyay in Qodax laga caydhiyay xisbiga UCID.
“Xisbigu wuxuu xilkii ka qaaday xogeeye ku xigeenkii xisbiga Qodax, isagoo u cuskaday qodobka 7aad farqadisa 1aad, 2aad, 3aad, 4aad iyo 8aad” ayuu yidhi.
Afhayeenka ayaa ku andacooday in Qodax iyo xildhibaanada uu hogaaminaya ay ku xad gudbeen wixii bulshadu ugu codaysay oo ah is badal.
Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax), ayaa ahaa xogeeye ku xigeenkii xisbiga UCID isla markaana waa xildhibaan kasoo baxay xisbiga UCID.

Hase yeeshee Xoghaye ku xigeenka xisbiga UCID Xildhibaan Cabdinaasir Qodax ayaa sheegay in xubinimada xisbiga UCID lagaga qaadi karo oo kaliya shirweynaha xisbiga.