Raysal Wasaaraha Somalia Oo Gaadhay Baydhabo

Baydhabo, (HCTV) – Raysal Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaadhay magaaalada Baydhabo ee xarunta Ku meelgaadhka ah ee maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Wafdiga Raysal Wasaaraha ayaa waxa garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay madaxweynaha maamulka Koonfur Cabdicasiis Laftagareen.

Lama oga ujeedada rasmiga ah ee safarka Raysal Wasaaraha oo noqonaya kii ugu horreeyay oo meel ka baxsan magaalada Muqdisho uu ku taggo tan iyo markii xilkan loo magacaabay.

Socdaalka Ra’iisal Wasaaraha ee Baydhabo ayaa imanaya xili dalka uu ku jiro olole doorasho, dhinaca kalana siweyn leysugu khilaafsan yahay hannaanka lagu wajahayo doorashada, maamulka Koonfur Galbeedna waxaa uu ka mid yahay maamullada loo tirayo in ay gacan saar dhaw la leeyihiin dowladda dhexe ee Soomaaliya.