London (HCTV) – Orodyahanka reer Kenya ee Eliud Kipchoge ayaa Kaalinta koowaad u galay Tartanka Orodka ah ee London Marathon, kaasi oo Afar Jeer oo hore uu Kaalinta Koowaad u galay Mo Farah.
Kipchoge oo 34 jir ah isla-markaana Sannadkii hore jebiyey Tartankii Orodka ee Berlin ka dhacay, ayaa Kaalinta koowaad ka galay tartanka London Marathon, ka dib markii uu ku orday 2 Saacadood, 2 Minit iyo 38 Il-bidhiqsi, halka Mo Farah uu ku orday laba saacadood iyo 3 daqiiqo, balse waxa ka sii dambeeyay Briton Callum Hawkins oo Kaalinta 10-aad ka galay tartankan.
Tartankan ayaa waxa ka qayb-qaatay illaa 40.000 Qof, laakiin Mo Farah oo la waraystay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu Jidadka London kaga qayb-galo tartanka London Marathon isla-markaana uu kaalinta shanaad galo.
Horn Cable Tv
Waaxda ONLINE-ka