Hargeysa (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta Haamaha Kaydka Shidaalka u Magacaabay Maareeye ku-xigeen cusub.
Wareegto uu ku saxeexan yahay Madaxweynaha Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi ayuu ku sheegay inuu Maareeye ku-xigeen cusub u Magacaabay Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera.
Wareegtadan oo soo gaadhay HCTV ayaa u qornayd sidan:-
Wareegto Madaxweyne: 28/03/2019
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-278/032019, ku magacaabay Maareeye ku xigeenka Haamaha Keydka Shidaalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxaanay u dhignayd wareegtada madaxweynuhu sidan:-
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;
Markaan Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Haamaha Kaydka Shidaalku u leeyihiin Dhismaha Qaranka;
Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa;
Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi;
Waxaan Go’aansaday: In Mudane, Carfaan Xaamud Cabdoo, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeye Ku Xigeenka Haamaha Kaydka Shidaalka Jamhuuriyadda Somaliland…”
Allaa Mahad Leh
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland