Hargeysa (HCTV) – Golaha Wakiillada Somaliland ayaa Maanta Ansixiyey Xeerka Xawaaladaha, kaasi oo muddo dheer hor-yaallay.
Fadhigii Maanta ee Golaha Wakiillada oo Shir-guddoominayey Guddoomiyaha Golahaasi Md. Baashe Maxamed Faarax, ayaa waxay Xildhibaannadu qodob qodob ugu codeeyeen Xeerka Xawaaladaha oo muddo hor-yaalay isla-markaana dhowr fadhi kaga doodeen.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Baashe Maxamed Faarax oo ku dhawaaqaya Natiijada u codaynta Xeerkaasi ayaa yidhi “Xeerka Xawaaladaha Somaliland waxa ansixiyey 35 Xildhibaan, 5 Xildhibaan way diideen, 7 Xildhibaan way ka aamuseen, xeerkaasi sidaas ayuu ansax ku yahay..”
Xeerkana ayaa wuxuu ka kooban 28 qodob.
Horn Cable Tv