Khartoum (HCTV) – Milletariga Dalka Suudaan ayaa Xabsiga u taxaabay laba Nin oo ay Walaalo yihiin Madaxweynihii xilka laga tuuray ee Dalkaasi, Cumar Xasan Al-bashiir.
Shams al-Din Kabashi oo ah Afhayeenka Millateriga sida ku meel-gaadhka ah xukunka Suudaan gacanta ugu haya, ayaa Arbacadii Saxaafadda u sheegay in Xabsiga loo taxaabay Abdullah iyo Abbas Hassan al-Bashir.
Afhayeenku wuxuu sheegay in labada Nin lagu eedeeyay inay abaabulayeen kacdoono lid ku ah Xadhigga Cumar Xasan Al-bashiir oo Toddobaadkan loo dhaadhiciyey Xabsiga Kobar, ka dib muddo uu ku jiray Xabsi guri.
Warku ma sheegin halka lagu xidhay labada Nin ee ay Walaalaha yihiin Cumar Xasan Al-bashiir, laakiin AP ayaa sheegtay in Wasiir ka mid ahaa Xukuumaddii Al-bashiir u xaqiijiyey in Al-bashiir loo wareejiyey Xabsiga Kobar.
Sidoo kale, Al-jazeera ayaa sheegtay in Nin ka mid ah Askarta ilaalada ka ah Xabsiga Kobar uu arkay Cumar Xasan Al-bashiir oo Xabsiga la keenay “Waan arkay Madaxweyne Al-bashiir oo ay wadaan Saraakiil badan oo Ciidan..” ayuu yidhi.
Xadhigga labadan Nin ee ay Walaalaha yihiin Al-bashiir ayaa imanaya xilli ay magaalada Khartoum ka sii socdaan Dibed-baxyo lagu dalbanayo in Milletarigu uu xukunka ku wareejiyo Rayidka.
Horn Cable Tv
Waaxda Online-ka