Garoowe (HCTV) – Madaxweynaha Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Siciid Cabdillaahi Deni ayaa sheegay inay diyaar u yihiin Wada-hadallo ay Somaliland kala yeeshaan khilaafka dhuleed ee Muddada dheer u dhexeeyay.
Madaxweynaha Puntland oo hadal ka jeediyey Munaasibad lagu qabtay Magaalada Garoowe ayaa sheegay inay Maamul ahaan diyaar u yihiin inay Somaliland ka wada-hadlaan khilaafka la xidhiidha mulkiyadda Gobollada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle oo Xuduud ahaan Somaliland ka tirsan, balse Puntland ay sheegato.
Madaxweyne Deni oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Farriinta u horraysa waxaan u dirayaa Somaliland, Shaadhkaaga waa lagugu qabsan karaaye Dhulka Puntland ee ay hadda ku xad-gudubsan tahay Wada-hadal iyo nabad inaanu ku dhamayno oo ay ku gar-naqsadaan ayaanu ugu baaqaynaa.”
Madaxweynuhu waxa kale oo uu sheegay “Wax Mugdi ku jira maaha, Waxaanu diyaar ugu nahay Wada-hadal dhab ah oo Nabad waarta ka dhaliya Geyiga in laga gaadho diyaar baanu u nahay.”ayuu yidhi.
Hadalka Madaxweynaha Puntland ayaa ku soo beegmaya xilli ay Degmada Tuke-raq ee Gobolka Sool isku hor-fadhiyaan Ciidammada Somaliland iyo kuwo Puntland oo dhowr jeer aaggagaasi ku dagaalamay.
Dawladda Somaliland ayaa dhawaan siidaysay Illaa 14 Maxbuus oo Puntland lagaga qabsaday dagaalkii u dambeeyay ee ka dhacay Tuke-raq, halka Puntland-na sidiaysay 3 Maxbuus.
Horn Cable Tv
Waaxda ONLINE-ka