Boorama (HCTV) – Shir Magaalada Boorama uga qabsoomay Madax-dhaqameedka, Siyaasiyiinta, Dhallinyarada iyo aqoonyahannada reer Awdal ayaa waxa laga soo saaray War-murtiyeed lagu soo ururiyey qodobbadii lagaga Wada-hadlay.
Shirkan oo Xalay ka qabsoomay Huteel ku yaalla Magaalada Boorama waxa si gaar ah diirradda loogu saaray Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada, waxaana Qodobbada ka soo baxay lagu sheegay in Gobollada Awdal iyo Selel laga qaban karin doorasho, haddaan la sixin Saami-qaybsiga.
War-murtiyeedkan ka soo baxay waxgaradka gobolka Awdal ayaa u qornaa sidan:-
- in madaxweynaha talada dalka haya looga fadhiyo inuu diyaariyo madal loo dhan yahay oo lagaga wada tashanayo saami qaybsiga dawladda Somaliland.
- Illaa la sugo wadda lahaanshaha dawladda Somaliland lagama qaban karo doorasho gobolada Awdal iyo Selel.
- Waddamada daneeya Somaliland waxaanu ka codsanaynaa in war-murtiyeedkaasi si dhow ula socdaan oo fiiro gaar ah u yeeshaan.
Shirkan Madax-dhaqameedka ka qayb-galay waxa ka mid ah Suldaanka guud ee Beelaha Awdal, Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil.
Horn Cable Tv
Waaxda ONLINE-ka