Spain, (HCTV) – Dalka Spain ayaa lagu soo warramayaa in ay aad u koraday tirada u dhimatay xanuunka coronavirus tan iyo markii uu ka dillaacay cudurku dalkaasi.
Tirada guud ee caabuqa coronavirus ayaa gaadhay 8,000 24-kii saacadood ee la soo dhaafay, sida ay sheegeen saraakiishu caafimaadka ee dalka Spain.
Maalin ka hor tirada dhimashada ah ee la diwaangaliyay ayaa ahayd 655 dhimasho halka maalinamdii shalay oo Arbaca ahna la diwaangeliyey 700 dhimasha, taas oo wadarta tirada dhimashada ka dhigaysa 4,089 qof. Tirada guud ee kiisaska ujiifa caabuqa coronavirus dalka Spain ayaa maraysa 56,188.
Sida shaacisay wasaarada caafimaadka mdalka spain maanta oo Khamiis ah.
Kor ukaca cudurka coronavirus ayaa kusoo beegmaysa iyadoo wadarta guud kiisaska cudurka coronavirus ee la diwaangeliyey Qaarada Yurub ay kor udhaaftay 250,000, sida baahisay wakaaladda wararka ee AFP.
Spain waxay hadda ku jirtaa kaalinta labaad ee ugu sareeya cudurka coronavirusee qaarada Yurub, marka laga reebo dalka Talyaaniga oo la diwaangeliyey 74,000 kiis.
HORN CABLE TV,
QAYBTA ONLINE-KA.