Maamulka Hirshabeelle Oo Kulan Degdega Ka Yeeshay Coronavirus

Hirshabeelle, (HCTV) – Kulan deg deg ah oo ay maanta isugu yimaadeen Golaha xukuumadda maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa  uu ka dhacay magaalada Jowhar,  waxaana shir guddoominayay madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.

Shirkaas ayaa lagusoo qaaday dhammaan sida ugu fudud oo Hirshabeelle ay ula dagaallami karto xanuunka COVID-19,  waxaana lagasoo saaray qodobbo  muhiim ah, oo la amray iney fuliyaan dhinacyo loo xil saaray.

Kulanka markii uu idlaaday kadib, ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare waxa uuna ugu horreeyo amray in Guddoomiyayaasha Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ay si dhab ah ula dagaallamaan Khaadka,  Hirshabeelle kasoo gala Itoobiya iyo dhinaca Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxa uu amar ku bixiyay madaxweyne Waare in la xidho habbeenkii goobaha lagu caweeyo si dadka ay u kala fogaadaan, loona yareeyo khatarta Coronavirus uu leeyahay,  waxa uuna booliska faray iney tallaabadaasi dhaqan-geliyaan.

Kulankaan ayuu madaxweyne Waare uu shir guddoomiyay iyadoo uu mid kamid ah golahiisa wasiirrada uu u geeriyooday shalay xanuunka COVID-19.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.