Muqdisho (HCTV) – Weerar loo adeegsaday gaadhi walxaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa lala beegsaday saldhig ciidan oo ku yaalla magaalada Muqdisho.
Weerarkaasi oo lala beegsaday xaruunta qaybta 27-aad ee ciidanka xoogga Dalka Soomaaliya oo u dhow garoonka ciyaaraha.
Waxaa la sheegayaa in qaraxaasi uu geystay khasaro dhimasha iyo dhaawac isugu jira.
Wararka hordhaca ah ee halkaa ka soo baxaya ayaa sheegaya in 8 Qof ku dhinteen, 14 kalena ku dhaaawacmeen.
Ilaa hadda cid sheegatay Masuuuliyadda Weerarkan.
Horn Cable Tv
WAAXDA ONLINE-KA