Golaha Ammaanka Oo Ku Baaqay In Deg-deg Loo Joojiyo Dagaalka Armenia & Azerbaijan

An ethnic Armenian soldier fires an artillery piece during fighting with Azerbaijan's forces in the breakaway region of Nagorno-Karabakh, in this handout picture released September 29, 2020. Defence Ministry of Armenia/Handout via REUTERS ATTENTION EDITORS - THIS IMAGE HAS BEEN SUPPLIED BY A THIRD PARTY. NO RESALES. NO ARCHIVES. MANDATORY CREDIT. PICTURE WATERMARKED AT SOURCE.

Newyork (HCTV) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dalalka Armenia iyo Azerbaijan ugu baaqay inay si deg-deg ah u joojiyaan dagaalka ka dhex qarxay oo sababay khasaare baaxadle.

Dagaalka ayaa Armenia iyo Azerbaijan ayaa ka dhacaya Gobolka Nagorno-Karabakh oo ku yaalla Azerbaijan waxaana ku nool dad ka soo jeeda Armenia – waxay doonayaan inay noqdaan Dawlad Madax-bannaan – laakiin weli cidna ma aqoonsan.

Dagaalkan oo socday illaa Axaddii Toddobaadkan ayaa sababay khasaare badan – waxa jira Askar gaadhaysa 2300 oo kuwa Armenia ah oo ku dhintay dagaalka – waxaana labada dhinac iska burburiyee n gaadiid dagaal iyo diyaarado.

15-ka dal ee Golaha ammaanka oo baaqooda ku taageeraya baaq nabadeed oo hore Xoghayaha guud ee Qaramada midoobay ugu jeediyey Armenia iyo Azerbaijan ayaa ku baaqay in si deg-deg ah dagaalka loo joojiyo – dibna loogu noqdo wada-hadallada labada dhinac si ay u midho-dhalaan.

Golaha ammaaka ayaa sheegay inay si adag u cambaaraynayaa in labada dal isku adeegsadaan hub isla-markaana galaaftaan nolosha dadka.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-KA