Madaxweynaha Somalia Oo Maanta Goobjoog Ka Noqday Heshiis Taariikhi Ah Oo Lagu Saxeexay Koonfurta Sudan

Jubba, (HCTV) – Madaxweynaha dawladda federalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaadhay caasimadda dalka Koonfurta Sudan ee Juba, kaas oo goobjoog ka noqonaya heshiiska taariikhi ah oo ay wada saxeexanayaan dowladda Sudaan iyo laba kamid ah hoggaanka kooxaha  mucaaradka ah ee hubaysan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii uu gaadhay Juba qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka in dowladdiisa ay taageereyso heshiiskan iyo dhaqan-gelintiisa.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan caasimadda  South Sudan ee Juba aan marakhaati uga noqdo saxeexa heshiis muddo la wada sugayay, annigu ka daris ahaan waxaan taageereynaa xasiloonida dalka Sudan iyo  in dadku ayu midoobaan, haddii ay taasi dhacdana, waa waxa uu dalkan ku gaadhayo barwaaqo” ayuu ku yidhi qoraakiisa uu ku sheegay Twitter-kiisa madaxweynaha Soomaaliya.

Dhinaca kale waxa la qorsheynayaa in madaxda dowladaha Jabuuti, Chad, Itoobiya, Raysal Wasaaraha Uganda, rayiisal wasaaraha Masar, madaxa midowga Afrika wasiirka arrimaha dibadda Qatar iyo wasiirka bartoolka ee Imaaraadka ay kulan la qaataan dhinacyada heshiiska ku saxeexanaya Juba.

Heshiiska ayaa waxaa wada saxeexi doona dowladda KMG ah iyo dhinacyada hubeysan, wuxuuna soo afmeerayaa dagaal in ka badan 20 sano ka socday Koonfurta Sudan, kaas oo ay ku dhinteen kumanaan qof , halka malaayiinna ay ku barakaceen.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.